Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Lacagta la Duldhigan Madaxda Al-shabab


Barnaamijkan wuxuu ka hadlayaa lacagta abaal marinta ah ee uu dhawaan Mareykana dul dhigay madaxda sar sare ee Al-shabab.

Lacagahaasi iyo shaqsiyaadka la dul dhigay oo toddoba ah ayaa kala ah sidan:

$7 million: Axmed Cabdi aw-Maxamed, (Godane) Madaxa Kooxda Al-Shabaab

$5 million: Ibrahim Xaji Jama, hogaamiye sare oo ka soo jeeda Somaliland oo ka mid ah aasaasayaashii Al-shabab

$5 million: Fuad Maxamed Khalaf, oo heysta baasa boorada Swedan iyo Somalia, oo kooxda lacago u ururin jiray weeraro toos ahna ka qeybgalay.

$5 million: Bashir Maxamed Mahamoud, oo ah Taliye military iyo isku duwaha howlgalada Alqacida ee Somalia

$5 million: Mukhtar Robow, afhayeenkii hore ee Alshabab ahna hogaamiye saameyn ku leh Al-shabab.
$3 million: Zakariya Ismail Ahmed Hersi, madaxa sirdoonka Al-shabab iyo $3 million oo la dul dhigay Abdullahi Yare, oo ah madaxa howlaha warbaahinta ee howlgalada Al-shabab .

Barnaamijka oo ay marti ku yihiin Sheikh Cabdiraxman Janaqow oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia, waxa uu ku suganyahay magaalada Munich ee dalka Jarmalka, Xassan Shikh Maxamud oo madax u ah xisbiga Nabadda iyo horumarin oo ku sugan Muqdisho, Maxamed Al-Amin Al-hadi oo ka madax u ah xarunta cilmi barista iyo warfaafinta ee Al-shaahid ee London.

Qeybta dabe ee barnaamijkana waxaad ku dhageysan doontaan aragtiyada qaar ka mid ah dhageystayaasha VOAda ay ka dhiibteen arintan.

Barnaajijka halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG