Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia: Ma Hakan Shirka Jowhar


Shirka Jowhar (Sawirka Radio Muqdisho)
Shirka Jowhar (Sawirka Radio Muqdisho)

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in shirka uu hakad ku yimid.

Magaalada Jawhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa shalay ka furmay shirkkii maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellda Dhexe.

Shirkan oo ayaa waxaa si rasmi ah u furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa meesha ka saartay warar soo baxay oo sheegayey in ergada shirka ay dooranayaan madaxweyne ka hor inta aan la dhisin baarlamanka maamulka.

Habsami u socodka shirkan iyo natiijooyinka laga filan karo ayaa weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane oo ku sugan Jawhar waxa uu ka waraystay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamuud Xasan Azhari, waxana uu beeniyey in durba shirka uu hakad galay.

Shirka Jowhar oo galay maalinkii 2-aad
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:18 0:00


XS
SM
MD
LG