Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Goof Gaduud Ka Dhacay Oo Dilay 12


Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 25 qof, waxaana ay dhammaantood ahaayeen dhinacyadii dagaalka uu dhex maray.

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyooday, 25 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhex maray deegaanka Goof Gaduud oo 30 km u jira magaalada Baydhaba.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhammaantood ahaa dhinacyadii dagaalka uu dhex maray.

Dagaalka oo billowday saakay waaberigii ayaa billowday markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar kadis ah kusoo qadaeen fariisin ay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ku lahaayeen deegaanka Goof Gaduud.

Wasiirka tababarada iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay doonayeen inay la wareegaan fariisinta ciidamada Koonfur Galbeed.

Wariyeheenna Mukhtaar Maxamed Catoosh aya faahfaahinta warkan nooga soo diray magaalada Baydhaba.

XS
SM
MD
LG