Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoonka baarlamanka oo ka hadlay mooshinka

French President Emmanuel Macron walks through the Galerie des Bustes (Busts Gallery) to access the Versailles Palace's hemicycle where both houses of parliament (National Assembly and Senate) are gathered in the palace of Versailles, outside Paris. Macron laid out his political, security and diplomatic priorities at an extraordinary joint session of parliament at the chateau of Versailles.

Guddoonka golaha baarlamanka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen goordhow kaga hadlay mooshinkii ay laba maalmood ka hor xildhibaanno ka tirsan baarlamanka ay ka gudbiyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warsaxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in guddoonka uu ka guddoomay mooshinka xildhibaano gaaraya 93 xildhibaan, 12-kii bishan August, islmarkaana uu guddoonka mooshinka ku maareyn doono si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Waxa kale oo guddoonka uu sheegay inuu kalsooni ku qabo in hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliya ay lee yihiin biseyl iyo karti ay ku xalistaan arrimahooda, maadaama ay horey usoo mareen arrimahan oo kale.

Guddoonka ayaa ballan qaaday inay howshooda u gudan doonaan si firfircoon, islamarkaana aysan saameyn ku yeelan doonin mooshinka. Waxaa ugu dambeyn guddoonka uu hay’adaha dowladda, maamulada dalka iyo bulshada rayidka ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed.

XS
SM
MD
LG