Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hillary Clinton oo Difaacday Adeegsiga Email u Gaar ah


Xoghayihii hore ee Arimaha Dibadda ee dalkan Mareykanka Hillary Clinton ayaa sheegtay Talaadadii shalay inay u wanaagsanaan laheyd inay adeegsato laba email oo kala duwan markii ay xoghayaha aheyd, laakiin uusan jirin wax Khalad ah oo ay sameysay.

Mrs. Clinton ayaa markii ugu horeysay ka jawaabeysay warbixin uu dhawaan qoray wargeyska the New York Times oo uu ku sheegay inay xiriirada dowladeed ee rasmiga ah u adeegsan jirtay emailkeeda shaqsiyadeed, intii ay isticmaali laheyd kan dowladda.

Dadka naqdiya siyaasadda Hillary Clinton ayaa ku eedeynaya inay isku dayeysay inay qariso xiriiro muran badan dhaliyay, oo ay ku jireen kuwii ku xeernaa weerarkii argagixiso ee dhimashada dhaliyay ee loo geystay qunsuliyadii Mareykanka ee Benghazi, Libya.

Clinton ayaa sheegtay Talaadadii shalay inay isticmaashay hal email oo kaliya, maadaama aysan dooneyn inay qaadato laba aalad oo kala duwan xilligaa.

Waxey sheegtay in iyada ay u fududaan laheyd inay laba email adeegsato, laakiin ay dhowreysay sharciyada wasaaradda arimaha dibadda.

Inkastoo aysan weli qorshayaasheda si rasmi ah ugu dhawaaqin ayaa Mrs Clinton la filayaa inay u oroddo – tartanka qofka doorashada madaxtinimo isu soo taagi doona ee ay soo xulan doonaan xisbiga Dimuquraadiga.

XS
SM
MD
LG