Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia oo lagu Xiray Nin FBI ay Raadinayso


Masuuliyiin ku sugan dalkan Maraykanka ayaa sheegay in muwaadin haysta dhalashada dalkan Maraykanka oo muddo laba sano ka hor ah ka baxsaday dalka in xilligan lagu xidhay Somalia,

Liibaan Xaaji Maxamed oo hay’adda FBI ay ku dartay liiska dadka sida weyn loo baadigoobayo ayaa dhawaan la xidhay hase ahaatee war badan lagama hayo sida loo qabtay iyo in dalka Maraykanka dib loogu soo celinayo iyo inkale.

FBI ayaa sheegtay inay bishii January ay ku dartay liiska dadka ay dusha kala soconayso, Liibaan oo u dhashay Somalia ayaa haysta dhalashada dalka Maraykanka, waxaana hay’adda FBI ay ku eedaynaysaa inuu taageero u fidiyey ururka Alshabaab, sidoo kale waxay ku eedaynayaan inuu ahaa dadka dhalinyarada u shaqaaleeya ururka Alshabaab oo dalkan Maraykanku u aqoonsan yahay urur argagixiso.

Liibaan Xaaji Maxamed ayaa ku noolaa Woqooyiga Virginia oo ku taalla duleedka Washington, wuxuuna ahaa Taksiile, FBI ayaa sheegtay inuu macluumaad badan ka haystay dhismayaasha dawladda Maraykanka, Garoomada Diyaaradaha ee Washington iyo waddooyinka dhulka hoostooda mara.

Liibaan Xaaji Maxamed ayaa dalka Maraykanka ka tegey sannadkii 2012, waxaana jariidada Washington Post ay baahisay in hay’addaha sharci fulintu ay ku dabo jireen Liibaan ka hor intii aanu dalka ka bixin.

FBI ayaa dul dhigtay madaxa Liibaan Xaaji Maxamed lacag gaadhaysa 50,000 oo dollar taas oo ay u ballanqaadeen inay siinayaan ciddii keenta macluumaad horseedi kara in la soo qabto.

Dawladda Somalia ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen Liibaan Xaaji Maxamed, hay’adda Nabadsugidda Somalia ayaa xaqiijisay gacan ku haynta Liibaan inkasta oo aan faahfaahin badan laga hayn habka loo qabtay .

XS
SM
MD
LG