Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muraacaradka oo ku Guuleysto Doorashada Giriigga


Greece Election
Greece Election

Xisbiga Syriza ee dalka Giriigga oo ah xisbi ka soo horjeeda barnaamijyada gunti isku giijiska dhaqaale ayaa galaya doorasho qaran oo aad u adag. Doorashadan ayaa imanaysa iyada oo ay dib u soo noqday dalabkii Yurub ee ahaa in Giriigu uu gunti isku giijis dhaqaale sameeyo.

Codadka qaar oo Axaddii la sii tiriyey ayaa muujinaya in xisbiga Syriza oo uu hogaamiyo Alexis Tsipras uu heysto ilaa 35%, kana horeeyo xisbiga muxaafidka ah ee New Dimocracy oo uu hogaamiyo RW hadda Antonis Samaras, kaas oo haysta 29%. Saadaasha ayaa muujinaysa in farqiqa hadda labadooda u dhexeeyaa uu balaaran karo.

Haddii xisbiga Syriza uu guuleysto, hogaamiye Tsipras oo 40 jir ah ayaa noqonaya RW-hii ugu da’da yaraa Giriiga soo mara muddo 150 sano ah.

XS
SM
MD
LG