Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Australia oo Dad u soo Xirtay Argagixisanimo


Dawladda Australia ayaa qaadday hawlgalkii ugu waynaa taariikhda dalkaasi oo looga hortagayo argagxisada.

In kabadan 700 oo ciidmada booliska ayaa baaray guryo ku yaalla magaalooyinka Sydney iyo Brisbane, waxaana la soo qab-qabtay 15 qof oo loo malaynayo inay qorsheynayeen inay gudaha Australia ka geystaan dilal.

Sirdoonka Australia ayaa helay macluumaad sheegaya in sarkaal ka tirsan kooxda Daacish ee Syria iyo Ciraaq oo isagu amray in dad rayid ah lagu gowraco dalka Austaralia.

Howgalkan ayaa yimid iyadoo dhawaan dowladda Australia ay kor u qaaday heerka feejignaanta, taasoo la xiriirta cabsi laga qabo dadka Australian-ka ah ee ku biiray kooxda Daacish.

Dhegayso: Warbixin ku saabsan hawlgallo ka dhan ah argagixisada- Australia
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:22 0:00

XS
SM
MD
LG