Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dayuurad Dagaal oo Lagu Soo Riday Ukraine


Maleeshiyada kooxaha gooni u goosad doonka dalka Ukraine ayaa toogasho ku soo riday, gobolka qasan ee Barika Ukraine dayuurad dagaal oo ay laheyd dowladda Ukraine oo nooceedu ahaa Mig-29 maanta oo Axad ah.

Afhayeen u hadlay Militariga ayaa sheegay in duuliyihii dayuuradaas uu baarashud kaga booday isla markaana laga soo badbaadiyay meel ku dhow magaalada Luhansk.

Dhinaca kale, Wakaalada Wararka Faransiiska ee AFP ayaa ku soo warameysa in xubno ka tirsan hay’adda Laanqeyrta cas ay gaareen xadka dalka Ruushka ee ku dhow Ukraine, si ey u bilaabaan eegista waxa ay sidaan ugu yaraan 200 oo gaari oo kuwa xamuulka ah oo ay Rusia sheegtay inay wadaan raashin gargaar ah oo ku socda dadka rayidka ah ee ku nool Bariga Ukraine.

Afhayeen u hadashay ICRC ayaa u sheegay AFP in qaabka loo baarayo gargaarkaasi heshiis laga gaaray Sabtidii shalay

XS
SM
MD
LG