Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA, UN oo Dadaal ugu Jira Xalinta Dagaalka Gaza


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa wada kulamo ay la yeelanayaan mas’uuliyiinta Bariga Dhexe kuwaas oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Israel iyo maliishiyada Dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Dagaalkan oo muddo laba toddobaad ah socdey ayaa ilaa maanta aan u muuqan mid sii qaboobaya, xilli ay ciidamada Israel wadaan duqeyn ay ku hayaan goobo badan oo ku yaalla Marinka Gaza, halkaas oo ay ku dileen 10 qof , iyadoo sawaariiqada Xamaas-na lagu soo ridayo dhanka Israel.

Kerry ayaa maanta la kulmey Madaxa Sirdoonka Falastiiniyiinta Majid Faraj ka hor intaanu wadahadal la yeelan Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar Sameh Shukri.

Kerry iyo Shukri ayaa sheegay inay rajeynayaan inaan lagu koobnaan oo qura xabbad joojin ka dhacda Gaza, balse horey loogu dhaqaaqo hanaanka balaaran ee wadaxaajoodka nabadeed ee Israel iyo Falastiiniyiinta.

Mr. Ban, oo ku booriyey labada dhinac inay degdeg colaadda u joojiyaan iyagoon wax shuruud ah ku xirin, ayaa la filayaa inuu u socdaalo Israel halkaas oo uu kula kulmi doono Raiisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyadoo uu Daanta Galbeed-na kula kulmi doono mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta.

XS
SM
MD
LG