Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shil Tareen oo ka Dhacay Russia


Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintey in ka badan boqolna waa ku dhaawacmeen markii tareen uu ku qalibmey bartamaha magaalada Moscow goor subax ah oo dad badani shaqooyinka u socdeen.

Saraakiisha hawlaha gurmadka degdegga ayaa sheegay in tareenka uu si lama filaan ah u qabtey fariinka isla markaana uu jiirey khadka laba goobood oo dadku tareenka ka raacaan. Ilaa laba boqol oo qof ayaa laga soo saarey tareenka. Ugu yaraan hal qof ayaa la rumeysan yahay inuu weli ku hoos jiro khadka tareenka uu maro.

Televishanka qaranka ee Russia ayaa soo bandhigey sawiro jahwareer ka muuqdo oo khadka tareenka ah, iyagoo sheegay in dadku ay isku soo wadadaateen markii tareenka uu si lama filaan ah uu bareegga ama fariinka u qabtey.

Waxaa kale oo sawirada uu televishanka soo bandhigey ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo qaadaya dad dhaawac ah, halka shaqaalaha caafimaadka ay dadka dhaawacmey qaarkood ku daweynayeen goobo ku dhow halka uu shilka ka dhacay.

XS
SM
MD
LG