Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Qoryooley Laga Qabsaday


Ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee midowga Africa ayaa maanta ururka al-Shabab kala qabsaday degmada Qoryooley ee gobolka shabeellada Hoose.

Ciidamada oo saaka weerar xoog qaaday halkaasi, ayaa iska cabin xooggan kala kulmay maleeshiyaadkii ururka al-Shabab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Ciidanka AMISOM ayaa isticmaallay taangiyo, iyadoo taasi la sheegayo inay sahashay in al-Shabab degmada ay ka qabsadaan.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Shabeellada Hoose, Cabdifitaax Xaaji C/lle ayaa sheegay in ciidanka wadajirku ay dagaalka ku dileen tiro badan oo ka mid ah maleeshiyada al-Shabab, balse warkaasi lama xaqiijin karo.

Dhinaca kalena, mid ka mid ah dadka degan Qoryooley ayaa VOA u sheegay inay jirto dhimasho soo gaadhay rayidka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta ay le'eg tahay tiradu.

Xaaladda Qoryooley ayaa caawa fiidkii daganayd, maleeshiyada al-Shababna waxaa laga sheegayaa inay ku sugan yihiin bannaanka degmada, oo ay dhici karto inay weerar rogaal celis ah soo qaadaan.
XS
SM
MD
LG