Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Alshabaab: Waan Dileynaa Denis Allex


.
.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay go’aan ku gaareen inay dilaan la-heystaha Faransiiska ah ee lagu magacaabo Denis Allex, ka dib markii uu guul dareystay weerarkii soo furashadiisa ee ay ciidamada Faransiisku ku qaadeen degmada Buula-mareer ee gobalka Sh/Hoose.

Hadal qoraal ah oo Arbacadan maanta ah ay soo saartay kooxdu ayaa waxaa lagu sheegay in Alshabaab go’aan loo dhanyahay ay ku gaareen in la dilo Denis Allex. Kooxda Alshabaab ayaa ninkan Faransiiska waxa ay gacanta ku hayeen tan iyo bishii July ee sanadkii 2009-kii waqtigaas oo ay ka soo afduubteen hotel ku yaala magaalda Muqdisho. Markii ugu danbeysay ee muuqa Allex la arkana waxa ay ahayd bishii October ee sanadkii hore, waqtigaas oo la baahiyey cajalad fiidiyow ah oo laga duubay.

Alshabaab ayaa sheegtay in xoogagga Faransisku ay dad rayid ah dileen markii howlka fulinayeen. Kooxda ayaa inta ku dartay in dilka Allex ay ugu aargudayaan dadkii ay Faransiisku weerarka ku dileen, sidoo kalene ay uga dhiidhinayaan waxa ay ugu yeereen siyaasadaha muslim naceybka ah ee Faransiiska iyo howlagalada milateriga Faransiisku ay ka fulinayaan wadamada Mali iyo Afghanistan

Denis Allex waxa uu ka mid ahaa koox tababareyaal ah oo Muqdisho u joogay inay tababaraan ciidamada dowladda Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxda Alshabaab.

Faransiiska oo mudaba ku raadjoogay meesha lagu hayo Denis Allex, ayaa Jimcihii la soo dhaafay qaaday weerar ay damacsanaayeen inay ku soo furtaan isaga, waxaana weerarkaas oo guuldareystay ku dhintay laba askari oo Faransiis ah iyo 17 Soomaali ah.

Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay weerarka ka dib, in Denis Allex uu dhintay, kooxda Alshabaabna waxa ay sheegeen in Allex uu weli nool yahay, walow aaney soo bandhigin wax cadeynaya noloshiisa.
XS
SM
MD
LG