Isku xirrada

War Deg-Deg ah

N. Sharif oo Markale u Muuqda Inuu Noqdo RW


Xisbiga muxaafidka ee uu hogaamiyo ra’iisul-wasaarahii hore ee wadanka Pakistan Nawaz Sharif, ayaa ku dhow inuu ku guuleysto doorashadii golaha baarlamaanka ee Sabtidii dhacday, taasoo ay weli socoto tirinteedu, ayna hareeyeen weerarada iyo hanjabaadaha kooxda Taliban.

Waloow aan lagu dhawaaqin natiijada rasmiga ah ee doorashada, hadana saadaasha televisionada dalka ayaa muujineysa in Xisbiga Pakistan Muslim League ee Mr. Shariif uu hogaamiyo ay ku guuleysteen kuraas ku filan inay dowlad ku soo dhisaan, iyadoo la filayo inay gacan ka helaan musharaxiinta madaxa banaan ee kuraasta ka helay baarlamaanka. Waxaana marka ay tirinta codadka doorashadu ay dhamaato la filayaa in xisbiga Mr. Shariif uu helo aqlabiyadda kuraasta Baarlamaanka taasi oo awood u siineysa in xisbigu uu dalka maamulo

Xisbiga PTI ee uu hogaamiyo Ciyaaryahankii hore ee ciyaarta cricket-ka Imran Khan, ayaa u muuqda inay galayaan kaalinta labaad ee kurasta baarlamaanka, waxaana laga yaabaa inay maamulaan gobolka Kheybaar Pakhtunkhwa ee ku dhereran xadka wadanka Afghanistan.

Xisbiga Pakistan People’s Party oo ay hogaamiyaan qoyskii ra’iisul-wasaarihii hore ee la dilay Benazir Bhutto, ayaa ku jira kaalinta sedexaad ee doorashada baarlamaanka .

Saraakiisha doorashada ayaa boqolkiiba lixdan ku qiyaasay dadka codeeyey maalintii Sabtida, iyadoo ay jireen rabshado dhacay doorashada ka hor iyo weeraro la qaaday maalintii doorashada oo ay ku dhinteen ugu yaraan 24 qof. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa ugu yaraan toban qof oo lagu dilay weerar lagu qaaday xafiiska ololaha doorashada ee xisbiga Awawi National Party, kaasi oo ka mid ah xisbiyada ay bartilmaameedsadeen kooxda Taliban.

Mr. Shariif ayaa sheegay inuu daneynayo inuu wadaxaajood la galo kooxda Taliban si dalka nabad loogu soo dabaalo.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00
XS
SM
MD
LG