Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhalinyarada & Dagaallada - Laba Dhalinyaro ah


Barnaamijka Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada Soomaaliya ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa waaya-aragnimada laba dhalinyaro ah oo ku kala nool Muqdishu iyo London. Barnaamijkan waa taxanihii tobnaad ee Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada.

Barnaamijka toddobaadkan ee taxanaha Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada Soomaaliya waxaan ku soo qaadanaynaa waayo-aragnimada laba dhalinyaro ah oo ay noloshoodu aad u kala duwan tahay, hammigood kala geddisan yahay isla markaana subaxdii iyo galabtii ay qorraxdu uygu soo baxdo siyaabo kala duwan.

Mid ka mid ah dhalinyaradan oo jooga dalka Biritan waxa uu waxbarashadiisa ka marayaa meel wanaagsan, halkaa kan kale oo ku sugan magaalada Muqdishu uu qayb ka yahay xaaladda dagaal ee magaalada ka jirta.

Barnaamijkan oo ay inoo soo diyaarisay Idil Cabdi Cusmaan ka dhagayso midigta sare.

XS
SM
MD
LG