Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen oo Dib u eegeysa Qaxootiga Soomaalida


Yemen oo Dib u eegeysa Qaxootiga Soomaalida
Yemen oo Dib u eegeysa Qaxootiga Soomaalida

Dowladda Yemen ayaa sheegtay inay dib u eegis ku sameyneyso kaararka Aqoonsiga ee qaxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku sugan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Yemen ayaa soo saartay amar ay ku dooneyso in Soomaalida qaxootiga ku ah dalkeeda ay iska xaadiriyaan xafiisyo dib u eegis ku sameyn doona xaaladohooda joogitaanka.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay mar kale hubin doonto kaararka aqoonsiga ee ay haystaan qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan dalkeeda.

Yemen ayaa il gaar ah ku haysay dadka ajaanibta ah gaar ahaan kuwa socdaalka dhanka badda ku soo gala dalkeeda, iyadoo uga cabsi qabta inay ku biiraan xoogagga gacan saarka la leh al-Qaacida ee ku sugan dalkeeda.

Xubno ka tirsan Soomaalida ku sugan dalka Yemen ayaa arrintaasi walaac ka muujiyay.

XS
SM
MD
LG