Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Gabar ka Bad-baaday Weerarkii Istanbul


TURKEY-BLAST/
TURKEY-BLAST/

Turkey ayaa sheegtay in saddexdii ismiidaamiyeyaal ee fuliyey weerarkii dhimashada lahaa ee lagu qaaday garoonka Istanbul ay ka yimaadeen dalalka Russia, Uzbekistan iyo Kyrgyzstan.

Saraakiisha Turkiga ayaa weli aaminsan in weerarkan ay ka dambeyso kooxda Daacish, hase yeeshee ma aysan shaacin magacyada saddexdan qof.

Tirada dhimashada weerarkii garoonka saddexaad ee ugu mashquulka badan Yurub ayaa iminka mareysa 43 qof, halka in ka badan 230 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, booliiska ayaa maanta howlgallo ka fuliyey saddex ka mid ah xaafadaha Istanbul, ayaga oo soo xiray 13 qof oo la tuhunsan yahay inay xiriir la lee yihiin kooxda Daacish.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegay in weli baaritaan uu socdo hase yeeshee ay u muuqato in weerarka ay ka dambeysay kooxda Daacish.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadan waxaa ka mid aheyd Shamso maxamed Cabdulle oo Transit ku aheyd garoonka marka uu weerarku dhacayay kuna dhaawacantay.

Wariyeheenna Falastin Axmed Iimaan ayey u warantay.

Wareys: Gabar ka bad-baaday Weerarkii Istanbul
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:02 0:00

XS
SM
MD
LG