Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warshad Hilib oo Laga Furayo Burco


Warshad Hilib oo Laga Furayo Burco
Warshad Hilib oo Laga Furayo Burco

Warshad cusub oo hilibka xoolaha dhoofisa oo laga furayo Burco, ayaa qorsheheedii lagu dhawaaqay.

Xaflad lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa lagaga dhawaaqay qandaraaska lagu dhisayo warshadan oo laga furayo magaalada Burco.

Warshadan ayaa waxaa wada yeelanaya ganacsato u dhalatay Somaliland iyo Malaysia, waxaanay hilibka u dhoofin doontaa wadamada caalamka oo ay ugu horayso Malaysia.

Mashruuca dhismaha warshadda cusub ayaa qaadan doona 11 bilood.

Ganacsatada maalgalinta ku samaysay mashruucan ayaa sheegay in warashaddu ay hilibka xoolaha Soomaalida u dhoofin doonto tusaale ahaan Malaysia oo qaadan doonta bishii 520 kun oo Kilo oo hilibka Lo'da ah iyo 260 kun oo Kilo oo hilibka Adhiga ah bil kasta.

Madaxweyne ku Xigeenka Cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo xafladaasi goob joog ka ahaa ayaa ayaa sheegay in dawlad ahaan ay soo dhawynayaan tallaabo kasta oo lagu maalgalinayo Somaliland.

XS
SM
MD
LG