Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wariye Ajnabi ah oo lagu dilay Muqdisho


Wariye Ajnabi ah oo lagu dilay Muqdisho
Wariye Ajnabi ah oo lagu dilay Muqdisho

ciidamada Amisom ayaa la sheegay ineey ku lug lahaayeen weerar rasaas lagu dilay wariye u dhashay Malasia mid kalena lagu dhaawacay

Saraakiisha Dowladda Somaliya ayaa sheegay in Wariye u dhashay wadanka Maleesiya lagu dilay Magaalada Muqdisho, Caasimadda Somaliya, mid kalena lagu dhaawacay.

Saraakiishu waxeey sheegeen in labada wariye ee ajnabiga ah ay ku safrayeen Gaari markii toogashada lala beegsaday Jimcihii shalay, dhacdadaasoo ay ku lug lahaayeen Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom.

Saraakiishu waxeey sheegeen in sababta loola beegsaday rasaasta wariyeyaashaasi ineeysan weli cadeeyn, baaritaana uu socdo.

Telefishinka Qaranka Maleesiya ee Bernama TV ayaa ku sheegay wariyaha la dilay magaciisa Noramfaizul Mohd Nor, oo ahaa sawir qaade dhinaca Telefishinadda ah.

Wariyeyaasha iyo shaqaalaha gargaarka ee ajnabiga ah ayaa in dhawaalaba ku qulqulayay Magaalada Muqidisho si eey indhahooda ugu soo arkaan macluusha ba’an ee ka jirta

XS
SM
MD
LG