Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA iyo England oo Guuleystay


USA iyo England ayaa min 1-0 kaga kala badiyey Algeria iyo Slovinia siday u kala horeeyaan.

Ciyaartii maanta oo ka tirsanayd qeybta C ayaa waxa guul kasoo hooyey waddamada USA iyo England oo u gudbay wareegga 16aad. Halka waddamada Algeria iyo Slovinia ay ka hareen inay u gudbaan wareegga xiga.

Kooxaha qeybtan C oo dhibcahoodu isku dhawaayeen ayaa dhamaadka ciyaarta ka hor aan la saadaalin karin halka ay wax ku dhamaanayaan, laakiin ciyaaro xiiso kale ka dib, waxaa labadii ciyaaroodba ku soo gabagaboobeen 1-0 oo USA iyo England ku adkaadeen.

Ciyaarta tan xigta ayaa waxa isku haleeli doona waddamada kuwada jira qeybta D waxayna u dhacaysaa sidan:

Ghana Vs Germany iyo Serbia Vs Australia

XS
SM
MD
LG