Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda: Soomaali Damiin ahaan loo sii daayay


Uganda: Soomaali Damiin ahaan loo sii daayay
Uganda: Soomaali Damiin ahaan loo sii daayay

Lix qof oo Soomaali ah oo lagu soo xiray tuhummo la xiriira argagixiso ayaa maanta boliiska Kampala ay si damaanad ah ku sii daayeen.

Lixdan qof oo isugu jira shan rag ah iyo haweenay ayaa ciidamada amnigu ay guryahooda kala baxeen jimcihii la soo dhaafay, waxaana maanta soo damiintay guddoomiyaha jaalliyada Soomaalida ee Uganda Xuseen Garweyne.

Guddoomiyaha ayaa VOA u sheegay in dadkan loo haysto falal la xiriira argagixisada. Dadkan ayaa inta ay joogaan dibedda waxaa sii socon doona baaritaano la xiriira falalka lagu tuhmay, waxaana la filayaa in 27-ka bishan dib loogu celin doono xabsigii laga soo daayay.

Wali waxaa Uganda ka socda baaritaano kiisas ku saabsan ilaa 33 qof oo isugu jira, Somali, Kenyan iyo Uganda kuwaasoo loo haysto qaraxyadii Kampala. Dadkaasi ayaa waxaa la soo taagay maxkamad 2-dii bishan September, iyadoo sidoo kale mar kale maxkamaddi dhagaysan doonto kiiskooda 16-ka bishan. Dadkaasi ayaa qaarkood xabsiyada laga sii daayay.

Qeybtan hoose ka dhagayso wareysiga Weriyaha VOA Kampala Xasan Fanax.

XS
SM
MD
LG