Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda: Shabaab ayaa ka danbeysay Qaraxii Nairobi


Kale Kayihura
Kale Kayihura

Taliyaha ciidanka Boliiska Uganda Kale Kayihura ayaa kooxda Al-Shabaab ku eedeeyay mas'uuliyada qaraxii Nairobi

Taliyaha ciidanka Boliiska ee dalka Uganda, Kale Kayihura ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Kampala wuxuu ku sheegay in kooxda Al-shabaab ay ka danbeeysay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Nairobi.

Qaraxaasi oo lala beegsaday bas ku sii jeeda magaalada Kampala ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, waxaana ku dhaawacmay 26 qof oo kale.

Qaraxan ayaa yimid maalin kaddib markii dowladda Uganda ay soo saartay digniin la xiriirto weerarro argagixiso oo ay sheegeen in lala damacsan yahay Uganda inta lagu jiro munaasabaddaha ciidda Masiixiga.

Kooxda Al-shabaab ayaa horey u sheegatay mas'uuliyada weerarro argagixiso oo ka dhacay Kampala bishii July ee sanadkan.

Weriyaha VOA ee Kampala Xasan Fanax ayaa sheegay in ciidamada Amniga ee Uganda ay aad u adkeeyeen ammaanka guud ahaan dalkaasi.

XS
SM
MD
LG