Isku xirrada

War Deg-Deg ah

South Afrika oo Xukuntay Nin Soomaali badan Dilay


South Afrika oo Xukuntay Nin Soomaali badan Dilay
South Afrika oo Xukuntay Nin Soomaali badan Dilay

Maxkamadeynta ayaa dhacday bartamihii todobaadkii hore, waxaana u riyaaqay xukumka ay maxkamaddu ridday Soomaali badan.

Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa soo dhoweeyay xukun ay maxkamad ku taallo dalkaasi ku ridday gacan ku dhiigle u dhashay dalka Koonfur Afrika oo ugu yaraan 7 Soomaali ah ku dilay gobolka North West ee dalkaasi.

Cabdiraxmaan Sheekh Cumar guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee gobolka North West ee dalka Koonfur Afrika isagoo ku sugan magaalada Rustenburg ayaa sheegay in ay ka qeybgaleen dhageysigii maxkamadda ninkaasi gacan ku dhiiglaha la soo taagay.

XS
SM
MD
LG