Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida Koonfur Afrika oo Dilal Joogta ah lagu hayo


Soomaalida Koonfur Afrika oo Dilal Joogta ah lagu hayo
Soomaalida Koonfur Afrika oo Dilal Joogta ah lagu hayo

Ganacsade Soomaali ah oo ku sugan dalka Koonfur Afrikca ayaa sheegay in dilal iyo gubisba lagu hayo Soomaalida.

Tan iyo wixii ka dambeeyay tartankii koobka kubbadda adduunka ee FIFA ee lagu qabtay sanadkan dalka Koonfur Afrika waxaa soo badanayay dilal ka dhan ah Soomaalida dalkaasi ku nool. Asad Xirsi oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 7 qof oo Soomaali ah lagu dilay labadii todobaad ee u dambeysay, dalkaasi Koonfur Afrika.

Asad wuxuu sheegay Soomaalida loo dilo qaab ka duwan sidii hore, wuxuu sheegay in ugu horreyn dab la qabadsiiyo goobtiisii ganacsiga qofka Soomaaliga ah, markuu damco inuu ka soo baxsado dabka ay kooxaha burcadda ahi dil u geystaan.

Asad ayaa ku tilmaamay sababta dilalka loola beegsanayo Soomaalida inay tahay horumarka ay ka sameynayaan ganacsiga ay ku leeyihiin dalkaasi.

XS
SM
MD
LG