Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Saraakiil Dhinaca Siyaasadda ah oo la Xirxiray


Saraakiil iskugu jira golayaasha deegaanka iyo Guddoomiyihii gobolka Hargeysa ayaa maanta sababo kala duwan loogu xirxiray Somaliland

Saraakiil iskugu jira kuwa golayaasha deegaanka iyo Guddoomiyihii gobolka Hargeysa ayaa maanta sababo kala duwan loogu xirxiray Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Hargeysa oo a weheliyaan labo sarkaal oo kale ayaa lagu xiray magaalada Hargesya, iyaga oo lagu eedeeyey inay musuqmaasuqeen raashin gargaar ah.

Dhinaca kalena, mudanayaal tiradoodu ay 10 kor u dhaafeyso, kuwaas oo dhamaan ka tirsan golaha deegaanka ee Gabilay ayaa maanta xabsiga loo taxaabay, markii lagu eedeeyey inay u gacan qaadeen ciidanka booliiska.

Wareysi iyo warbixin arrintaas la xiriirana qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG