Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qudbadda Morsi iyo Taariikhdiisa


Maxamed Mursi oo ka tirsan kooxaha Muslimiinta dalka Masar ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay kan ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee ugu horeysay ee dalkaasi si xor ah uga dhacda, waxuuna balanqaaday inuu ka shaqeynayo midnimo qaran oo uu ilaalinayo heshiiyada caalamiga ah ee ay masar la gashay dalalka dibadda iyo kuwa deriska ah.

Hadalkiisii ugu horeeyay oo uu jeediyay madaxweynaha la doortay axadii shalay, ayuu ku yaboohay aragti ku soo dareysa hogaanka dalka masar dhamaan dhinacyada siyaasadda ee dalkaasi.

Mr. Morsi ayaa ugu baaqay dhamaan dadka reer Masar – Muslimiinta iyo Kiristaankaba iney midoobaan, waxa uu sheegay taasi iney tahay wadada kaliya ee looga gudbi karo waqtiga adag ee ay ku jirto Masar, tan iyo markii kacdoon dadweyne uu meesha ka saaray madaxweynihii mudada dheer dalkaasi ka talinayay Xusni Mubarak, sanadkii la soo dhaafay oo uu dalkaasi galay xaalad ay milatariga awoodda gacanta ku hayaan oo kala guur ah oo rabshada watay.

Qudbadii ugu horeysay ee uu jeediyay shalay iyo warbixin ka hadleysa taariikh nololeedka madaxweynaha cusub ee Masar halkan hoose ee qoraalka ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG