Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qorshaha Dhameynta Askareynta Caruurta


Dowladda Somalia ayaa maanta saxiixday qorshe howleed lagu soo dhameynayo in caruurta la askareeyo isla markaana ay ka mid noqdaan ciidamada dowladda.

Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise ayaa qorsha howleedkan maanta ku saxiixay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga halkaasoo oo uu ka socdo shirka ICG.

Wakiilka QM ee Arrimaha Somalia, Augustine Mahiga ayaa isna saxiixay qorshahan isagoo ka wakiil ah QM.

Qorshahan ayaa qeexaya in xukuumadda Soomaaliya ay qaado talaaboyin muhiim ah oo lagu hubinayo in caruurta laga ilaaliyo inay ka mid noqdaan ciidamada.

Qorshahan ayaa haddii la fuliyo wuxuu dhalin doonaan in dowladda Somalia laga saaro liiska Golaha Amniga ee QM ee kooxaha ama dowladdaha askareeya caruurta.

XS
SM
MD
LG