Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ISIS oo Sheegatay Weerar Jarmalka Ka Dhacay


27- jir Siiriyaan ah oo isku qarxiyay magaalada Ansback ee dalka Jarmalka Insiintii, kaas oo dilay naftiisa islamarkasina dhawacay tiro kale oo badan, ayaa waxa ay ISIS sheegteen in uu ahaa ruux iyaga ka tirsan, sida ay baahisay warbaahinta Amaq ee kooxda ISIS afkeeda ku hadasha.

Amaq, ayaa ku warantay in qofka weerarka qaaday uu ka jawaabayay weeararada ka dhanka ah ISIS ee dalalka reer galbeedku ay ku hayaan.
Sarkaal sare oo dhinaca amniga u qaabilsan Bavaria, ayaa ku waramay in ruuxa weerarka geystay Isniintii uu mobilkiisa isaga duubay muuqaal, uu ku sheegayo in uu xiriir la leeyahay hoggaamiyaha ISIS Abu Bakr al-Baghdadi.

Joachhim Hermann, ayaa sidoo kale sheegay in guriga ruuxa weerarka geystay laga helay waxyaabo qaraxa laga sameeyo, sida gasoline iyo kiimikooyin.

Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka, Thomas de Maiziere, ayaa ku baaqay in ammaan sugid baaxad weyn laga sameeyo goobaha gaadiidka dadweynaha iyo meelo kale oo gudaha dalkaasi Jarmalka ah.

Saraakiil Jarmal ah ayaa ku waramay in ruuxa weerarka geystay uu laba jeer oo hore isku dayay in uu nolosha is dhaafiyo oo uu is dilo, balse loo sameeyay talo celin.

XS
SM
MD
LG