Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxii China oo lala Xiriirshay Musuq-maasuq


Diyaarad Drone ah oo dul mareysa goobta qaraxa uu ka dhacay ee Tianjin, China, August 17, 2015.
Diyaarad Drone ah oo dul mareysa goobta qaraxa uu ka dhacay ee Tianjin, China, August 17, 2015.

Falkan musuqmaasuqa ah ee shaaca laga qaaday ayaa u muuqda mid sii hurin doona cadhada ay dadweynaha magaaladu ka qaadeen khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Warbaahinta dawladda China ayaa sheegtay in mulkiilayaasha Bakhaaradii kiimikada lagu keydinayay ee ku qarxay magaalada Tianjin ay adeegsadeen saraakiil ay saaxiibbo yihiin si ay u helaan warqadaha ogolanaashaha ee ka shaqaynta arrimaha kiimikada la xidhiidha.

Warbaahinta ayaa intaa ku dartay in warqadaha la siiyay ahaayeen kuwa aan dhamaystirnayn.

Falkan musuqmaasuqa ah ee shaaca laga qaaday ayaa u muuqda mid sii hurin doona cadhada ay dadweynaha magaaladu ka qaadeen khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Mulkiilayaasha shirkaddan ayaa waxaa ka mid ah wiil uu dhalay taliye Boolis oo hore.

XS
SM
MD
LG