Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Prof. Gaandi oo Baaq u Jeediyay DKMG


Prof. Gaandi oo Baaq u Jeediyay DKMG
Prof. Gaandi oo Baaq u Jeediyay DKMG

Prof. Gaadi waxa uu ka digay haddii dowladdu aysan adkeyn ammaanka saraakiisha dowladda in goobtooda loogu tegi doono madaxda sare.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee dowladda KMG ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi ayaa ugu baaqay dowladda KMG ah inay adkeyso ammaanka wasiirada iyo xildhibaanada.

Prof. oo wareysi siiyay VOA-da ayaa cambaareeyay weerarkii loo geystay Hotel Muna ee lagu laayay dad kor u dhaafaya 30 ruux.

Prof. Gaandhi wuxuu sheegay in mas'uuliyadda ka hortegis la'aanta weerarkii Hotel Muna ay leeyihiin ciidamada dowladda KMG ah, wuxuu ka digay haddii aan xil layska saarin xoojinta ammaanka saraakiisha ka tirsan dowladdu ay markaasi sii kordhi doonaan weerarada sidan oo kale ah.

Prof. Gaandhi waxa uu si aad ah uga digay in kuwa weerarada geysanaya ay fursad u heli doonaan in xitaa madaxda sare ee dowladda ay sidan oo kale u waxyeeleeyaan.

XS
SM
MD
LG