Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadeynta 3 Soomaali Ah oo Weli Ka Socota Minnesota


Magaalada Minneapolis waxaa wali ka socota dhageysiga dacwada loo heysto saddex will oo Soomaali-Mareykan ah, kuwaasoo lagu soo eedeeyey ina ay doonayeen in ay taageero siiyaan kooxda Daacish, dilalna ka geystaan meel ka baxsan Maraykanka.

Maxkamadda waxaa shalay haddaba mar kale markhaati-fur bixinayey Cabdiraxmaan Bashiir oo sheegay inuu ka mid ahaa wiilasha damcay inay ku biiraan Daacishta Syira, balse markii dambe go’aansaday inuu si qarsoodi ah ula shaqeeyo hay’adda FBI-da.

Haddaba markii uu dhageysigu shalay dhammaday, ayaa Falastiin Axmed Iiman waxay wareystay, laba ka mid ah hooyooyinka saddexda wiil ee dhalinyarada ah oo ay ka wareysatay aragtidooda dhageysigii shalay, iyo markhaati-fur-ka uu bixinayay wiilka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Bashiir.

Maxkamadda ka socota Minnesota
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:50 0:00

XS
SM
MD
LG