Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Maanta Ka Dhacay Gobolka Jubbada Hoose


Shabaab
Shabaab

Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in dagaal uu ka dhacay degaan u dhexeeya magaalooyinka Dhoobley iyo Taabto oo lagu magacaabo Hawina.

Dagaalka, ayaa u dhexeeya ciidamo iskugu jira Soomaali iyo AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya iyo maleehsiyada kooxda Al-Shabaab.

Warar aanu ka helany ilo xogxogaal ah oo ku sugan degaankaas ayaa sheegaya in dagaalku uu qarxay kadib markii maleeshiyada Al-Shabab ay weerar kedis ah ah ku qaadeen kolonyo ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida ah oo ka soo dhaqaaqay magaalada Dhoobley una socday Taabto.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa ka warbixiyay dagaalka.

Abaanduulaha Ciidamada Jubbaland ee aaga Degmada Afmadow Mahad MAXAMED islaam islamarkaasna hogaaminayay Ciidamada Soomaalida ee la socday Kolonyada la weeraray oo la hadlay Idaacada VOA ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu khasaare soo gaaray Ciidamada Kolonyada ah ee ay weerarka jid galka ah ku qaadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wariyaheena Khadar Maxamuud Xareed ayuu khadka taleefoonka ugu warrmay isagoo ku suggan deegaanka Taabto oo 60km u jirta Deegaanka Afmadow halkaasoo ay gaareen ciidamadii Kolanyada ahaa.

Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:51 0:00

XS
SM
MD
LG