GAALKACYO —
Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo xalay iyo saakay aroortii ay ka dhaceen deegaanka Ceel Hareeri oo ku dhow degmada Ceel Dheer.
Dagaalladan oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa waxaa inta la ogyahay ku dhintay 24 qof, ku dhawaad toban kalena way ku dhaawacmeen.
Dagaalka ayaa ka dhashay markii maleeshiyada Al-Shabaab oo la sheegay inay boqolaal ahaayeen ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku sugnaayeen.
Wariyeheenna Gobolada Dhexe Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa warbixitan ka soo diray magaalada Gaalkacyo.