Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Klopp oo raalligelin ka bixiyay guuldarradii Everton


Klopp
Klopp

Tababaraha kooxda Liverpool ee Juergen Klopp ayaa raalligalin siiyay taageereyaasha kooxdiisa, kadib guuldarradii 2-0 ahayd ee ay kala kulmeen Everton kulankii derbiga ahaa ee ka dhacay garoonka Merseyside, taas oo damisay dhammaan rajadii ay ka qabeen inay ku guulaystaan koobka Premier league.

“(Hogaamiyayaasha Arsenal iyo Manchester City) waxa ay ku jiraan wakhti aad u adag”ayuu yiri Klopp oo u muuqday mid gabi ahaanba niyad jabay markii wax laga waydiiyay fursadaha kooxdiisa.

“Ma garanayo, maanta uun baan raaligelin siinayaa dadka, qof kasta oo nala joogana wuu og yahay sida ay arrintani noogu adkayd sidoo kale, waxay ahayd inaan yeelno si ka wanaasan sidan, laakiin ma ayysan dhicin" ayuu raaciyay.

Kooxda Klopp ayaa seddex dhibcood ka hooseeya Arsenal oo leh (77) iyadoo afar kulan ay u harsan tahay macalinka sida weyn loo jecel yahay ee kooxdan Liverpool.

Kooxda heysata horyaalka ee Manchester City ayaa weli ku sii jirta kursiga darawalnimada, iyagoo leh 73 dhibcood, waxaana u haray laba kulan oo aysan weli ciyaariin.

Waxay ahayd guushii ugu horeysay ee Everton ee gurigooda in ka badan 13 sano, waxayna Liverpool ka horjoogsatay inay Arsenal la qabato hogaanka horyaalka.

Liverpool ayaa sabtida u safri doonta kooxda West Ham United. Waxa ay isku dhacayaan Tottenham Hotspur, Aston Villa iyo Wolverhampton Wanderers seddexdooda kulan ee ugu dambeya horyaalka.

Madal

XS
SM
MD
LG