Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Maxaabiis Cunno Ka Soontay


Kenya: Maxaabiis Cunno Ka Soontay
Kenya: Maxaabiis Cunno Ka Soontay

Soomaali ku xiran xabsi ku yaalla Mombassa ayaa saacadii la soo dhaafay cunnadii ka soontay, kana cawday in si xun loola dhaqmo.

Maxaabiis Soomaali ah oo burcadbadeednimo ku eedeeysan oo ku xiran dalka Kenya ayaa cunnadii diidday 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyagoo sheegay inay kaga cabanayaan sharciyada la mariyo iyo sida loola dhaqmo.

Maxaabiistaasi Soomaalida ah oo tiradoodu ay dhan tahay 69 qof ayaa waxay ku xir xiran yihiin xabsiga Shimiratewa ee magaalada Mombassa ee dalka Kenya, kuwaasoo 52 ka mid ah lagu xukmay xabsi u dhaxeeya 5 ilaa 20 sano.

Mahad Cabdi Yuusuf ayaa VOA u sheegay inuu muddo saddex sano ah ku xiran yahay xabsigaasi isagoo aan la xukumin.

XS
SM
MD
LG