Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jawaabo Laga Bixiyay Qaraxii Tiyaatarka


Madaxweynaha DFKMG ah Sharif Sheikh Amxed oo xalay ka hadlayay qaraxii shalay ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid waxashnimo oo ka dhan ah nabadda iyo nolosha umadda Somaliyeed.

Waxaa sidoo kale qaraxa cambaareyn u soo jeediyay, ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya Dr. Augustine Mahiga, kaasoo soo sheegay inuu si aad ah uga xumaaday weerarka ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Tiyaartarka Qaranka shalay xilli ay ka socotay xaflad loogu dabaal degayay sanadguuradii 28aad ee aas aaska telefishinka Somaliya.

Dhinaca kale Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee aduunka ee FIFA Sepp Blatter ayaa isna ka hadlay weerarkii shalay, waxa uu sheegay inuu murugta la wadaagayo guud ahaan umadda somaliyeed gaar ahaan bahda Sportiga ee Somalia.

War la soo dhigay bogga FIFA ayuu Mr Blatter ku sheegay inuu si aad ah uga naxay geerida alaha u naxariistee Gudoomiyaha xiriirka Somaaliyeed ee kubadda Cagta Saciid Maxamed Nur oo loo yaqaanay saciid Mugabe iyo Madaxii xiriirka Olombikada Somaliyeed Aden Yabarow Wiish

Warbixin ku saabsan hadalada masuuliyiinta ka dhageyso halkan hoose ee qoraalkan

XS
SM
MD
LG