Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IGAD: Dawladdu waa Barta Xiriirka Somalia

Xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD ayaa sheegay in sababta uu ururku illaa haatan u meel-marin la'yahay xayiraaddii uu sheegay inuu kusoo rogayo dekedaha ay Al-Shabaab maamushu inay tahay caqabado xagga xeerarka caalamiga ah.

Wareysi gaar ah oo uu VOA-da siiyey, ayuu Eng. Maxbuub Macallin, oo kamid ah wufuudda ka qeyb galeysa shir caalami ah oo ka dhacaya magaalada Lund ee dalka Sweden wuxuu sheegay inay wali ka war-sugayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Eng. Maxbuub ayaa difaacay dawladda Soomaaliya waxana uu sheegay in khilaafka dhowaan soo dhexgalay madaxda dawladda inuusan wax niyadjab ah ku reebin waddamada gobolka oo si weyn u taageera dawladda Soomaaliya.
Eng. Maxbuub waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay waxqabad la timid isagoo sheegay in dawladdu suurtogelisay in Soomaaliya ay lahaato bar keliya oo lagala soo xiriiro. Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in dawladdani jirto lana xoojiyo, qof kastana uu wax ku darsado.

XS
SM
MD
LG