Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ICRC oo Dhaawacyo Ka Soo Saartay Xoms


ICRC oo Dhaawacyo Ka Soo Saartay Xoms
ICRC oo Dhaawacyo Ka Soo Saartay Xoms

Hay’adda Gudigga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in shaqaalaha gargaarka Syria ay ka daad gureeyeen dhowr qof Agagaarka Magaalada Xooms, ee ay hareereeyeen Ciidamada Dowladda, hase yeeshee ay ku guul dareysteen inay meesha ka saaraan koox wariyeyaal shisheeye ah oo ku dhex go’doonsan magaalada.

Afhayeen u hadlay ICRC oo ku sugan magaalada Geneva ayaa sheegay gaadiidka gurmad caafimaadka ee ay leedahay hay’adda bisha cas ee carabta Syria ay galeen degmada ay mucaaradka gacanta ku hayaan ee la yirahdo Baba Amr isniintii shalay, iyagoo halkaasi ka saaray sadex qof oo dhaawac ah oo reer Syria ah.

Afhayeenka waxa uu sheegay in shaqaalaha gargaarka ay awoodi waayeen inay meesha ka soo saaraan, saxafiyiin reer galbeed ah, oo laba ka mid ah ay dhaawacanyihiin, ama ay soo helaan meydadka laba kale oo ku dhintay duqeyn ka dhacday magaalada todobaadkii la soo dhaafay.

ICRC ayaa maalmahanba wada hadal kula jirtay dowladda Syria sidii loogu ogolaan lahaa inay gasho degmada Baba Amr, halkaasoo lagu soo waramayo in dadku ay biyo la’aan, iyo dawo la;aan ay ku dhex go’doonsanyihiin in ka badan sadex todobaad.

XS
SM
MD
LG