Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Godane oo Beddelay Ku-xigeennadiisii


Godane oo Beddelay Ku-xigeennadiisii
Godane oo Beddelay Ku-xigeennadiisii

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in hoggaamiyaha ururka Al-Shabab Axmed Cabdi Godane uu isbeddel ku sameeyey xubno ka mid ah hoggaanka sare ee ururkiisa.

Sheekh Axmed Cabdi Godane ayaa la sheegay inuu u magacaabay ku xigeen cusub ninka lagu magacaabo Mahad Warsame Qaleey oo lagu naaneyso “Mahad Karatay”.

Wax badan lagama yaqaano shaqsiyadda Mahad Karatay, hase yeeshee waxaa kaloo uu yahay Madaxa Ciidanka Xogga leh ee kooxda ee sida wyen looga cabsado ee lagu Magacaabo Amniyaadka.

Guddoomiye Ku Xigeennadii hore ee ururka Ibraahim Xaaji Jaamac “Afqani) iyo Sheekh Mukhtara Roobow Cali “Abu Mansuur” ayaa iyagu xilalkoodii waayey, mana cadda xil khaas ah oo ay xilligan hayaan hogaanka kooxda.

Sidoo kale Ma cadda waxa xilligan sababey isbeddelkan, waxana taas ugu wacan qaabka sirta ah ee ay Al-Shabab u hawlgasho.

Waxaase ilo lagu kalsoonsan yahay ay idaacadda VOA u sheegeen in hoggaamiyaha Al-Shabab uu sidoo kale kala-diray Golihii Shuurada ee Al-Shabab si ku meelgaar ah, waxaana la sheegay in kala dirka shuurada uu dhacay dhacey wakhti ku dhow maalmihii al-Shabbab ay ka baxdey Muqdishu.

Wararkan ayaanu ka helnay laba xog-wareed oo kala duwan oo si dhow ula socda ururka Al-Shabab. Dadka indha indheeya arrimaha Al-Shabab waxay sheegayaan in magacabaista Mahad Karatay oo madax ka ah ciidanka sida hufan u tababaran ee Amniyaadka, iyo kala dirista Golaha Shuurada ay sii adkaynayso awoodda Axmed Cabdi Godane uu ku leeyahey ururka Al-Shabab dhexdiisa.

wareeysi arintan la xiriira ka dhageyso halkan hoose

XS
SM
MD
LG