Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiis Nabadeed oo lagu Saxiixday Xeraale


Heshiis Nabadeed oo lagu Saxiixday Xeraale
Heshiis Nabadeed oo lagu Saxiixday Xeraale

Laba beelood oo horey ugu dagaallamay gobolka Galguduud ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed oo lagu afjaray colaadda u dhaxeysay.

Heshiis ayaa lagu kala saxiixday deegaanka xeeraale ee gobolka Galguduud, kaasoo lagu soo afjarayay colaad dhexmartay laba beelood ee gobolkaasi deggan.

Oday dhaqameedyadii ka qeybgalay xafladdii saxiixa heshiiska ayaa sheegay in labada beelood ee kala dega deegaanada Xeraale iyo Cabudwaaq ay iska dhex saareen guddi, ka dibna qodobadii lagu dhowaaqay ay isku waafaqeen.

Suldhaan Cabdinaasir Xasan Xirsi, guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirkii heshiiskaasi lagu gaaray ayaa sheegay in qodobada lagu heshiiyay aasaas looga dhigay sidii nabad loogu noolaan lahaa laguna dhaqmo shareecada Islaamka.

Suldaan Cabdinaasir ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabihii laysku hayay sida dhulka, dhiigga, iyo dhaqanka oo khilaafku uu ka dhashay looga heshiiyay go’aamo ay isla gaareen salaaddiinta labada dhinac, laguna qancay.

Wuxuu sheegay in ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca uu qeyb libaax leh ka qaatay hirgelinta shirkii heshiiska lagu kala saxiixday.

Intii ay socdeen wadahadallada nabadda lagu gaaray khadka telefoonka uga qeybgalay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo abaanduulaha ciidamada qalabka sida jeneraal Cabdikariim Yuusuf Aadan (Dhega-badan) kuwaasoo deegaanka ka soo jeeda. Waxaanay ku booriyeen labada beelood ay nabadda isla qaataan, ayna iska ilaawaan khilaafaadka.

XS
SM
MD
LG