Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Dastuurka Somalia iyo Ansixintiisa


Dowladda Somalia ayaa sheegtay in lagu dhowyahay in dalka uu yeesho dastuur, waxaase su’aalo badan ay ka taaganyihiin waqtiga iyo in xilligan ay ku haboontahay in dastuur loo sameeyo Somalia oo ku jirta xaalad dagaal iyo degenaansho la’aan, yaase xaq u leh inay ansixiyaan dastuurka.

Qodobkaasi waa waxa ay ku saabsantahay Barnaamijkeena Faaqidaada todobaadka.

Waxaa dooda ka qeybgalaya Sahra Cumar Malin oo ka mid ah Gudiga madaxa banaan ee dastuurka, Ra’isul Wasaarihii hore ee Somalia Professor, Cali Khalif Galeyr, Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaliga ee DKMG Cabdiraxman Xoosh Jibril iyo wasiirkii hore ee arimaha dibadda Ismaaciil Maxamed Hurre Buba, dhamaantood waxa ay ku suganyihiin magaalada Nairobi

Dooda waxaa qeybinaya Haruun Macruuf, ka dhageyso dooda halka hoose ee qoraalkan.

XS
SM
MD
LG