Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn iyo Dagaallo ka Dhacay Muqdisho


Duqeyn iyo Dagaallo ka Dhacay Muqdisho
Duqeyn iyo Dagaallo ka Dhacay Muqdisho

Duqeyntan iyo Dagaaladan ka dhacay Muqdisho waxay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 11-kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo maanta gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gaadiidka Gurmadka deg degga ee magaalada Muqdisho Cali Muuse ayaa VOA-da u sheegay inay qaadeen 11 ruux oo madaafiicdaasi ay dhaawacyo ka soo gaareen. Wuxuu sheegay in dhaawacyadaasi ay ka qaadeen meelo ku dhow Suuqa Bakaaraha iyo waddada Dabka.

Duqeynta waxaa magaalada Muqdisho isku weydaarsanayay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda oo isku dhinac ah iyo kooxaha mucaaradka oo iyaguna dhinac kale ka soo jeeda.

XS
SM
MD
LG