Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay Macallim Ayman


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayn dhacday 17-kii bishan lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ururka al-Shabaab.

War-saxaafadeed xalay kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dawladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqayntan ay ka dhacday meel u dhow degmada Jilib ee Jubada Dhexe.

Dawladda Soomaaliya waxay ku sheegtay war-saxaafadeedka inay xaqiijinayso dilka Macallim Ayman, oo ay sheegtay inuu abaabulay weerarro ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay war-saxaafadeedka in hawlgalka qorshaysan ee lagu dilay Ayman ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka.

Hawlgalka Maraykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey in duqayntii dhacday 17-kii December dilay xubin ka tirsan al-Shabaab, hase yeeshee AFRICOM ma aysan xaqiijin weli magaca qofka la dilay.

Maraykanka ayaa horraantii sannadkan shaaciyey inuu 10 milyan oo dollar oo abaalmarin ah siinayo cidii soo sheegta ama keenta xog lagu qabto ama lagu xukumo nin watay isla magaca Macallim Ayman ama qof kasta oo ku lug lahaa, gacanna ka gaystay weerarkii Manday Bay ee 5-tii bishii Janaayo ee sannadkii 2020-ka ay al-Shabaab ku qaaday saldhiggaas.

Maraykanka ayaa xilligaas sheegay in Macalim Ayman uu hoggaamiyo unug ka tirsan al-Shabaab oo lagu magacaabo Jaysh Ayman oo weerarro ka gaystay Kenya iyo Soomaaliya.

Warbixintan oo maqal ah, oo uu diyaariyey Haaruun Macruuf, hoos ka dhageyso.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay Macallim Ayman
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:21 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG