Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya Oo Ka Hortimid Darbiga Kenya


Xukuumadda Soomaaliya waxa ay sidoo kale shaaca ka qaadday inay dowladda Kenya kala hadashay arrintan, kana sugeyso jawaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hortimid qorshe ay dowladda Kenya darbi kala qeybiya labada dal uga dhiseyso xadka labada waddan ay wadaagaan.

Kulan ay golaha wasiirada Soomaaliya maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya aan lagala tashin dhismaha darbigaas, uuna yahay mid ku kooban Kenya.

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay sidoo kale shaaca ka qaadday inay dowladda Kenya kala hadashay arrimahan intii lagu guda jiray socdaal dhowaan ra’iisul wasaraaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odowaa ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale ay Kenya kala hadleen wararka sheegaya in Kenya ay baabi’ineyso calaamadihii xadka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay Kenya ka sugeyso jawaab ku aadan arrinta.

Seynab Abuukar ayaa warbixintan Muqdisho kasoo dirtey.

Warbixinta Seynab Abuukar
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:00 0:00

XS
SM
MD
LG