Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Donald Payne oo ka hadlay Xukuumadda Cusub


Donald Payne oo ka hadlay Xukuumadda Cusub
Donald Payne oo ka hadlay Xukuumadda Cusub

Donald Payne wuxuu sheegay in ra'iisal wasaaraha iyo xukuumaddiisu ay yihiin kuwo Khibrad leh, waxna ka qaban kara xaaladda dalka Soomaaliya.

Donald Payne oo ka tirsan Congresska dalkan maraykanka isla markaana madax ka ah guddi hoosaadka qaabilsan Afrika iyo Arrimaha caafimaadka ee caalamka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xukuumadda cusub ee dowladda KMG ah.

Wuxu sheegay in ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xukuumaddiisu ay leeyihiin khibrad iyo waayo aragnimo u horseedi karta Soomaaliya waddadii nabadda iyo deganaanshaha.

Balse taasi waxay ku xiran tahay buu yiri hadba taageerada ay ka helaan dadka Soomaalyeed iyo hay’adaha kmg ah iyo weliba tan beesha caalamka.

Mudanahan ayaa war saxaafadeed uu shalay soo saaray ku sheegay in in muddada ka yar sanadka ee u haray wakhtiga dowladda looga baahan yahay xubnaha baarlamaanku inay dhinac iska dhigaan dantooda gaarka ah, ayna ansixiyaan xukuumadda cusub, ayna meel mariyaan sharciyada ay tahay in la ansixiyo ka hor inta aanu dhammaan wakhtiga u harsan dowladda.

Payne ayaa ka codsaday xildhibaanada inay arrintaasi u sameeyaan nabadda, deganaanshaha iyo rajada shacabka Soomaaliyeed. Isagoona intaa raaciyay in lala xisaabtami doono shakhsiyaadka isku daya inay horjoogsadaan horumarka dowladda.

XS
SM
MD
LG