Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallada Caasimadda Muqdisho


Mid ka mid ah salaadiinta Soomaalida oo lagu magacaabo Suldaan Xuseen Xirsi Faarax ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Muqdisho

Suldaan Xuseen Xersi Faarax ayaa isagoo ku sugan magaalada Kampala, Uganda wuxuu ugu baaqay dhinacyada uu dagaalku ku dhex-marayo Magaalada Muqdisho iney dagaalka joojiyaan, islamarkaana la bilaabo wadahal, isagoo sheegay iney nasiib darro tahay in dhibaatadii dagaalada ee waqtiga dheer soo jirtay laga dhaxli waayo waayo-aragnimo.

Suldaanku wuxuu u soo jeediyay ciidamada dowladda iyo kuwa kooxaha mucaaradka ku ah ee kasoo hor-jeeda iney u turaan dadka rayidka ah ee ku dhex dhamaanaya oo ay baajiyaan dhiigoda daadanaya, isagoo dhinaca kale sheegay in falsafad kasta oo dhalinyarada lagu dagaalka gelinayo aaney dhalinyaradaasi aheyn kuwo qabiil ahaan ugu xeran kooxda ay ka tirsan yihiin, isagoo soo jeediyay iney muhiim tahay sidii loogu istaagi lahaa in dhalinyaradaasi laga badbaadiyo falsafadaha lagu shubay iyo danaha qaaska ah ee lagu dagaal-gelinayo, isagoo xusay in rag uu ku tilmaamay iney ugu hub badnaayeen Soomaaliya ay yihiin kuwo manta gidaar ka fadhiya,

Suldaan Xuseen Xersi ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay wax loo sheegay wiilka aaminsan inuu ku dhimanayo dagaal xaq ah, isagoo u soo jeediyay cidda aaminsan fikirkaasi iney iyagana u soo bandhigto si ay xaqaasi ugula dhintaan, wuxuuna guud ahaan ku baaqay in la joojiyo dagaalada Muqdisho iyo Gobalada Dhexe meelo ka mid ah ka soconaya.

XS
SM
MD
LG