Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Kismaayo Ka Dhacay Oo Dilay 4 Qof


Kismaayo
Kismaayo

Iska horimaadkaan ayaa dhex maray ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubbaland oo isku qabsaday dhul.

Iska horimaad sababay dhismashada afar qof iyo dhaawaca sadex kale, ayaa maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa dad rayid ah, waxaana dadka dhintay ku jira dad barakacayaal ah oo ku noolaa xerada dalxiiska ee magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu ka dhacay Iska horimaadka.

Iska horimaadkaan ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan booliska magaalada Kismaayo ay weerar ku qaadeen Boos uu muran xoogan ka taagnaa, kaasoo ay xillligaasi ku sugnaayeen ciidamo kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Masuulyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan iska horimaadka, waxayna sheegeen in ay tahay mid fudud oo lagu jiro sidii loo xallin lahaa.

Magaalada Kismaayo ayaa inta badan waxaa ka dhaca iska horimaadyada noocaan ah, kuwaasoo salka ku haya isqab qabsiga la xidhiidha lahaanshaha dhulalka.

XS
SM
MD
LG