Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Maraykanka oo Madaxweyne Dooranaya


Dadweynaha Maraykanka ayaa maanta oo Talaado ah u dareeray goobaha codbixinta si ay codkooga uga dhiibtaan doorashada madaxtinimada Maraykanka oo ay u tartamayaan madaxweyne Barack Obama oo doonaya in mar labaad la soo doorto iyo Musharraxa Mitt Romney.

Obama iyo Romney ayaa soo gaba-gabeeyay mid ka mid ah ololihii doorasho ee ugu adkaa ee Maraykanka abid soo mara. Labadan musharrax ayaa dhowrkii maalmood ee u danbeeyey safarro ololahooda ka tirsan ku marayey gobollada muhiimka ah ee si weyn la isugu haysto ee Ohio, Virgnia, Iowa, Wisconsin, New Hamshire iyo Florida.

Ra'yi ururinno badan oo la sameeyay ka hor doorashada ayaa muujinaya in labadan musharrax ay si weyn isugu dhow yihiin, inkastoo dhowr dhibcood uu ku horreeyo madaxweyne Obama gobollada qaarkood.

Madaxweyne Obama ayaa ku dooddaya inuu is-taahillo in mar kale la soo doorto, isagoo sheegay inuu doonayo inuu dhameystiro howshii uu bilaabay ee uu ku bad-baadiyay dhaqaalaha Maraykanka oo sii dhimanayay markii uu xilka qabtay.

Mitt Romney ayaa isagu ku doodaya in la gaaray wakhtigi la baddali lahaa Obama oo isbeddel iman lahaa kaddib markii uu Obama ballamihii uu galay ka soo bixi waayay.

Ololahan doorashada waxaa ku baxay lacag gaaraysa 6 Billlion oo Dollar, waxaana muuqata in dadka Maraykanku ay ku kala qeybsan yihiin doorashadan. Dadka cad ee gobollada qaarkood ayaa la filayaa inay u coddeeyaan Romney halka dadka kale ee asalkoodu yahay Latino, Madowga Maraykanka iyo qowmiyaddaha kale la filayo inay codkooda siiyaan Obama.

270 cod ayaa la doonayaa in musharr walba uu helo si uu ugu guuleysto tartanka.

Dadka siyaasadda indho-indheeya ayaa sheegaya inaan la saadaalin karin cidda ku guuleysan doonta doorashadan.
XS
SM
MD
LG