Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku dhintay doon ku degtay Marinbiyoodka English Channel


Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen xilli ay ka gudbayeen marinbiyoodka English Channel, ee isku xira koonfurta Ingiriiska iyo waqooyiga France, saacado yar kaddib marki ay dowladda Britain ansixsay sharci lagu tarxiilayo qaxootiga sharci-darrada ku gala dalkeeda.

Dadka dhintay oo isugu jiray saddex nin, haweeney iyo hal canug ayaa ka mid ahaa ilaa 110 muhaajiriin ah oo la socday doon yar oo aad u rarneyd.

Ciidamada ilaalada Faransiiska ayaa wali baadi goobaya dad laga cabsi qabo in ay ku hafteen badda. Wargeyska Vowaji Nokh ayaa sheegay in lasoo badbaadiyay ilaa 100 qof.

Masiibadan ayaa timid saacado kaddib marki uu Baarlamaanka Britain ansixiyay, sharcigi ra’iisul wasaare Sunak ee dhigayay in dadka magangalya doonka ah ee gala Ingiriiska loo musaafuriyo dalka Rwanda.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa sharcigan ku tilmaamay mid naxariis darro ah oo ka baxsan bani’aadannimada.

Madal

XS
SM
MD
LG