Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Colaaddii Mudug oo Baaq laga soo Saaray


Colaaddii Mudug oo Baaq laga soo Saaray
Colaaddii Mudug oo Baaq laga soo Saaray

Baaqan ka kooban saddexda qodob waxaa laga soo saaray shir ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacayo

Waxaa baaq nabadeed laga soo saaray kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Gaalkacayo, odayaasha labo beelood oo xoolo dhaqatoodu ay ku dagaalantay deegaano miyi ah oo ka tirsan gobolka Mudug.

Kulankaasi oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa ka qeybgalay odayaasha labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo, wafdi ka socda dowladda KMG ah, wafdi uu horkacayay wasiirkii hore ee macdanta ee dowladda KMG ah Jeneraal Cabdi Qeybdiid, iyo mas’uuliyiin ka kala socota maamullada Puntland iyo Galmudug.

Ugu horeyn shirka ayaa ku baaqay baaq nabadeed. Waxaana ka soo baxay ilaa saddex qodob kuwaasoo kala ah:

In xabadda la joojiyo
In la kala qaado ciidamada is horjfadiya
In wadahadal laysugu yimaado.

Wariyaha VOA-da Nuux Muuse Birjeeb ayaa soo sheegaa in ay muuqatay taageero weyn oo ay bulshadu u hayso qodobadaasi nabadda ku baaqaya ee laga soo saaray shirka ka dhacay magaalada Gaalkacayo.

XS
SM
MD
LG